Taliska Militariga Nigeria ayaa sheegay inay dileen in ka badan 250 maleeshiyo, oo ka kala tirsan Boko Haram iyo Daacishta Galbeedka Afrika ee ISWAP, ka dib hawlgalo ay ciidamada ka fuliyeen dalkaasi, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadu ay soo badbaadiyeen saddex gabdhood oo iskuulay ah oo laga afduubtay Chibok, kuwaas oo ay maleeshiyadu haysteen, tan iyo sanadkii 2014.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga oo lagu magacaabo Musa Danmadami ayaa isna sheegay in hawlgalada oo isugu jiray kuwo cir iyo dhulba ay ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Hadarin Kai, intii u dhaxeysay 25-kii bishii hore ee August illaa 8-dii bishan.
Afhayeenka ayaa sheegay intii ay hawlgaladu socdeen in ay ciidamadu weerareen goobo ay maleeshiyadani kaga sugneyd Gobolka Borno, isla-markaana ay ku dileen 52 maleeshiyo ah, ayna ciidamadu gacanta ku soo dhigeen 14 ka mida maleeshiyadaasi, sidoo kalena ay soo badbaadiyeen 22 qof oo ay afduub u haysteen maleeshiyadan. Dadka la soo badbaadiyay ayuu sheegay inay ku jiraan saddex ka mida gabdhihii loo yaqaanay Chibok ee ardayda ahaa, Boko Haram-na ay qafaatay sanadkii 2014.
“Meelo u gaar ah ayaa la duqeeyay, oo duqaymo dhanka cirka ah ayaa lagu dilay tiro badan oo ka mid ah kooxaha nabadiidka, iyadoo ciidanka dhulkuna ay sifeeyeen argagixisada baxsadka ah.” Ayuu yiri Danmadami oo intaasi ku daray “Kuwa la dilay waxaa ku jira shan hoggaamiye oo caan ah.”
Danmadami ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen qaraxyo, qoryo AK47 iyo rasaas badan.
Nigeria ayaa tan iyo sanadkii 2009 la hardameysay kooxaha argagixisada ee ku xidideystay waqooyi bari ee dalkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com