Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo laba maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ku lafa-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hiirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uga qaybgalay aaladda Fogaan aragga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com