Korneyl Aadan Rufle “Waxaan u taaganahay jegada Gudoomiyaha Gobolka Gedo”

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay jegada Gudoomiyaha Gobolka Gedo, dadka deegaankana ay tahay inay doortaan.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garbahaarey ayaa si kulul u weeraray hoggaanka maamulka gobolkaasi, oo uu ku eedeeyay kuwo ka gaabiyay waajibaadkii loo igmaday.

“Markaan arkay hoggaan la’aanta ka jirta gobolkan, markaan arkay cadaawuhu siduu u mindiyo sifeysanayo, markaan arkay halista & abaaraha iyo shacabku siduu u dayacan yahay, waxaan u taaganahay laga bilaabo saacaddaan aanu joogno jegada Gudoomiyaha Gobolka Gedo.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

“Ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo aan wax ka dhisanay annaga, ka reer Gedo ahaan, ma jirto mid aan qayb ka nahay oo xubno baarlamaan iyo wasiiro aan ku leenahay, mana jirto Dowlad Goboleed oo aan wax ku leenahay.” Ayuu yiri Korneyl Rufle oo intaasi ku daray “Maqaamkayagii sida na loogu dulmay waa la wada ogyahay, ma jirto Dowlad Goboleed ama maamul xaq iyo sharci u leh inuu gudoomiye gobol magacaabo.”

Rufle ayaa odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka ugu baaqay shir degdeg ah, oo wax lagaga bedelayo hoggaanka maamulka gobolkaasi.

“Sidaasi darteed, waxaan doonayaa inaan ugu baaqo Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka iyo aqoonyahanada gobolka inay shir degdeg ah isugu yimaadaan, oo looga tashanayo aayaha gobolka, si aan si wadajira is bedel ugu samayno hoggaanka maamulka gobolka.” Ayuu yiri Rufle.

Rufle ayaa hadalkiisa ku xoojiyay inaanan hadda ka dib indhaha uun laga daawan karin dayaca iyo habaca muuqda ee ka jira buu yiri gobolka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com