Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo tan iyo Sabtidii ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa caawa hoyga uu ka degan yahay magaalada ku qaabilay Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka u joogga, Danjire Mohamed Ahmed Al-Othman.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan abaaraha baahsan ee xilligan dalka ka jira iyo sidii Xukuumadda Abu Dhabi ay u garab istaagi laheyd shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam oo qaabilay Safiirka ayaa kala hadlay xaaladda guud ee Somaliya, gaar ahaan abaaraha iyo sidii Dowladda Emirate-ka Carabta ay u garab istaagi lahayd shacabka Soomaaliyeed xilligan adag, lana xoojiyo dadaalada, maadaama Jubbaland ay ka mid tahay meelaha ay abaartu sida daran u saameysay, una baahan gargaar dheeri ah.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa shalay iyo maanta Caasimadda Muqdisho kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo gelinkii dambe ee maanta la soo geba-gabeeyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com