Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa caawa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.
“Waxaa caawa salaan iigu yimid Ra’iisal Wasaarahii hore ee Xukuumadda Federaalka Somaliya, walaalkay Maxamed Xuseen Rooble, oo aan ka wada hadalay xaaladda guud ee dalka.” Ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Axmed Madoobe ayaa qoraalka ku yiri “Maxamed Xuseen Rooble wuxuu waqti kooban kaga soo dhalaalay shaqada uu u hayay ummadda Soomaaliyeed, isagoo dalka ugu adeegay caqligiisa iyo kartidiisa oo dhan, si uu uga saaro marxaladdii adkeyd ee uu dalku soo maray.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com