Wararkii ugu dambeeyay gulufka xididada loogu siibayo Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa weli door muuqda ka ciyaaraya gulufka kooxaha argagixisada lagaga saarayo deegaanada gobolkaasi.

Gudoomiyaha oo ay la socdaan xubno uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa xalay ku hoyday deegaanka Goobo oo hoostagga Degmada Maxaas, waxayna maanta hawlgalada ka sii wadeen tuulooyinka ku dhow dhow deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa dhiirigelin in ku filan u ah Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano, ee qalabka u sita ciribtirka cadowga keliya ee muuqdo, ee ay maanta shacabka Soomaaliyeed leeyihiin, waa Shabaab’e.

Dhanka kale gobolka ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo guluf la doonayo in lagu qaado maleeshiyada Al Shabaab ee kol hore bilaabay inay go’doomiyaan deegaanka Halgan.

Haddii Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ay la wareegaan deegaanada ku teedsan Halgan ayaa waxa uu macnaheedu yahay in hawlgalka mintidiinta lagaga xoreynayo gobolkaasi uu geba-gabo ku dhowyahay.

Gudoomiye Jeyte ayaa wacad ku maray inaanan laga hari doonin Shabaab, illaa iyo inta laga suulinayo gobolkaasi oo dhan.

Shacabka reer Hiiraan oo ka xaroobo Shabaab ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay, oo ay iska dulqaadaan mintidiintaasi, ka dib muddo dheer oo dhibaatooyin joogto ahi ay ku hayeen, waxayna tusaale u noqon doonaan bulshada ku dhaqan gobolada kale ee dalka, iyadoona ay taariikhda xusi doonto, sida ay hormuudka ugu noqdeen dadka Soomaaliyeed ee la daallaa dhacaya gabood-fallada cadow tiro yar, isla-markaana arxan-daran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com