Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay caleema-saarka Madaxweynaha Kenya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Nairobi kaga qaybgalay xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, William Ruto.

Madaxweynaha ayaa ka mid ah wafuud heer caalami ah oo ka qaybgelay xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka aan deriska nahay ee Kenya

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka deriska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku wehlinayay munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga & Warshadaha, Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com