Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Nairobi (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, William Ruto ayaa xalay gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qaybgalaya caleema-saarka Madaxweyne Ruto ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Kenya soo dhaweynta diiran, isagoo adkeeyay muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee deriska ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com