Allaha u naxariistee Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo ka mid ahaa dhallinta Magaalada Guriceel ayaa xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Marxuumka ayaa xalay ka soo laabtay Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka soo kaxeystay gaari uu kala soo degay Dekedda Boosaaso.
Wararka ayaa sheegaya in isagoo dhex maraya Koonfurta Gaalkacyo ay haleeshay rasaas ay furayn Ciidanka Kumaandooska Danab, taasoo aan la ogayn sababta ka dambeysa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu ku geeriyooday Isbitaalka Gaalkacyo, ka dib markii dhaawac ahaan lagula cararay.
Saraakiisha amniga iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaan weli ka hadlin dilka ninkaasi dhallinyarada ah loogu gaystay Koonfurta Gaalkacyo.
Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo caan ka ahaa Magaalada Guriceel ayaa waxa uu ku lahaa goob lagu iibiyo qalabka baabuurta ee Spare Parts-ka.
Faarax Cabdi Macalin (Anas), Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com