Ku dhawaad 100 askari ayaa ku dhimatay dagaal Talaadadii ka dhacay xuduudda Azerbaijan ay la wadaagto dalka Armenia.
Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in dagaalka ay ku weyday 50 askari, halka Xukuumadda Yerevan ay dhankeedu sheegtay in dagaalka looga dilay 49 askari.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu ka masuul yahay dagaalka, tani oo sare u qaaday baqdinta laga qabo in dagaal ballaaran uu dib uga dhex qarxo labadaasi dal.
Ruushka oo ciidamo nabad ilaalin ah ay ka jooggaan xuduudda labadan dal ayaa ku baaqay inay xiisadda qaboojiyaan, isla-markaana ay ka waantoobaan dagaal dambe.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegtay in Moscow ay ku hawlan tahay dhabo isku dheelitiran oo xasaasi ah, oo ay ku sii wadeyso xiriirka ay leedahay labadaasi dal, ee horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet.
Moscow ayaa hadda xiriir dhaqaale iyo mid amni la leh Armenia, oo martigelinaysa saldhig militari oo Ruushku leeyahay, iyadoo sidoo kalena wada shaqayn dhow la samayneysay Xukuumadda Baku.
Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa, tan iyo markii ay bilaabatay colaadda labadaasi dal, bishii September ee sanadkii 2020.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com