Ciidamada Itoobiya oo garaacay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa Talaadadii duqayn ka gaystay Magaalada Mekelle ee Xarunta Gobolka Tigray, laba maalmood ka dib markii Jabhadda TPLF ay ku dhawaaqday inay diyaar u tahay xabad joojin shuruud la’aan ah.

Jabhadda hubeysan ee TPLF ayaa sheegtay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay barilmaameedsatay Jaamacadda Mekelle, halkaas oo ay ka gaysatay khasaare naf iyo maalba leh.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhaawacmay duqayntan, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka Ayder Referral, oo ah kan ugu weyn magaaladaasi.

Kindeya Gebrehiwot ayaa sheegay in duqayntu ay timid, ka gadaal markii TPLF ay magacawday koox wada-xaajood ah, oo wada hadal la galay Dowladda Federaalka.

“Tani waxay dhaceysaa, ka dib markii Xukuumadda Tigray ay dhistay koox wada-xaajood ah, waxayna muujisay inay diyaar u tahay wada hadal nabadeed.” Ayuu yiri Kindeya Gebrehiwot oo horey u soo noqday Madaxa Jaamacadda Mekelle.

Xukuumadda Addis Ababa ayaan weli ka hadlin duqaynta la sheegay in ciidamadeedu ka gaysteen Xarunta Gobolka Tigrayga ee Mekelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com