Madaxweynaha Masar oo booqasho taariikhiya ku tegay dalka Qatar

Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah El-Sisi ayaa Talaadadii booqashadiisii ugu horreysay ku tegay dalka Qatar, tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2014.

Wafdiga heerka sare leh ee Madaxweynaha Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Hamad ee Magaalada Doha ku soo dhaweeyay Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Booqashada Madaxweynaha oo laba cisho qaadan doonto ayaa ka dambeysay, ka dib markii uu casuumaad ka helay Amiirka dalkaasi.

Wakaaladda Wararka Masar ee MENA ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadli doonaan arrimaha gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Masar iyo Qatar ayaa xiriirkooda diblomaasiyadeed dib u soo celiyay bishii January ee sanadkii 2021, ka dib markii Dowladaha Qatar iyo Sacuudiga ay ku heshiiyeen in la qaboojiyo xiisaddii khaliijka, ee soo ifbaxday xagaagii 2017.

Madaxweyne El-Sisi ayaa taageeray go’aankii ay horaan dalalka Sacuudiga, Emirate-ka iyo Bahrain ku go’doomiyeen dalka yar ee Qatar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com