Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay dalka Mareykanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo ay kaga qaybgeli doonaan Meertada 77aad ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconeysa inta u dhaxeysa 13-ka illaa 27-ka bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada & xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda masiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya iyo wafdigiisa ayaa golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha Dowladda Federaalka ee la xiriira la dagaalanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xoogan, haatanna la jooggo xilligii laga gacan siin lahaa Dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaasi ka samata-bixiso dadkeeda iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dalalka ka qaybgelaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee ka soo qaybgelaya Meertada 77aad ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com