Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha Kenya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaasi ku yeeshay kulan miro dhal ah, oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee deriska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, William Ruto munaasabadda caleema-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowladda Somaliya ay uga go’an tahay in ay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dhammaan dalalka gobolka.

Dhankiisa Madaxweyne Ruto ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo guud ahaan wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ee ajiibay ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarkiisa, waxa uuna adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo dowladeed ee deriska ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray, gaar ahaan fududeynta socdaalka, dhiirigelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, is bedelka cimilada iyo saboolnimada, kuwaas oo ka mid ah caqabadaha wadajirka u curyaamiyay kobaca iyo horumarka dalalka gobolka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com