Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay bilaabeen inay iska horkeenaan beelaha Soomaaliyeed, xilli beeluhu wadaan kacdoon ay kula dagaalamayaan maleeshiyadaasi.
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in beelaha hadda ku dagaalamaya qaybo ka mida gobolada dalka ay ka dambeeyaan maleeshiyada Al Shabaab.
“Muddooyinkii dambe marka culeyska badan ay dareemeen waxay Al Shabaab bilaabeen inay qabaa’ilka Soomaaliyeed si dadban isugu dhuftaan.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed ee qabaa’ilka ah ee dagaalamaya halkan inaan farriin uga diro, in badan oo idin ka mid ah, idinka oo ogayn ayay Al Shabaab idin isticmaalayaan. Waxaan haynaa oo caddeymaheeda la hayaa, oo qaarkood hay’adaha sharciga iyo ammaanku ay daba socdaan dad Al Shabaab lacag ay ku siiyeen inay qabaa’ilka isku dhuftaan, oo qaarkood shaqadaas fuliyay.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Goobaha inta badan hadda qabiilada la isku dhuftayna waa goobaha uu culeyska ka jiro, oo Al Shabaab ay qabaa’ilka Soomaaliyeed kula dagaalamayaan ama ay iska abaabulayaan.”
Alcadaala ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadaan noocyada iyo midabada uu sheegay inay Shabaabku isticmaalaan.
“Waxaan leenahay dadka Soomaaliyeed ka digtoonaada Al Shabaab noocyada iyo midabada ay isticmaalaan waa tiro badan yihiin, kuwa hadlaya ee raba dadka mujaahidiinta ah ee naftooda difaacanaya ee ceelashii ay ku noollaayeen biyihii inay cabaan loo diiday ee la rabay oonka in loo dilo, ninka ama qofka raba inuu dhalleeceeyo waa qof farriin Al Shabaab wada, haku qatalmina.” Ayuu yiri Alcadaala.
Alcadaala ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Waxaas oo dhana ujeedadooda waa in dadka laga leexiyo dareenka, waa in Al Shabaab culeyska iska dejiyaa. Al Shabaab waxaan leenahay waqtigaasi waa gudbay.”
Alcadaala ayaa dhallinyarada ka barbar dagaalameysa Al Shabaab ugu baaqay inay isaga soo baxaan safka Al Shabaab.
Hadalka Alcadaala ayaa imaanaya, xilli Talaadadii shalay ay laba beelood oo walaalo ah ku dagaalameen deegaano hoostagga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com