Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee dalka u joogga, Danjire Larry André.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda deegaanada Hirshabelle, gurmadka abaaraha iyo kor u qaadidda mashaariicda horumarineed ee Hirshabelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Axaddii iyo Isniintii Caasimadda Muqdisho kaga qaybgalay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga ee dalka la dagaalanka mintidiinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com