Gabar ardayad ahayd oo isku daldashay Magaalada Hargeysa

Layla Cabdi Maxmaed oo dhiganeysay fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ayaa Khamiistii isku daldashay Magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe & Sare ee Somaliland.

Gabadhan ayaa isku dishay xaafadda Maxamed Mooge, halkaas oo qoyskeedu ay ka deganaayeen magaalada.

Cabdi Maxamed oo ah aabaha dhalay marxuumadda ayaa xaqiijiyay geerida gabadhiisa, isagoona xusay inay ku fiicneyd waxbarashada.

“Anigaa dhalay oo waxaa la yiraahdaa Layla Cabdi Maxamed, inan yar oo aad waxbarashada ugu wanaagsana ayay ahayd oo dadaaleysay.” Ayuu yiri Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Cabdi Maxamed ayaa yiri “Goobta guriga hooyadeed ayay isku daldashay, laakiinse inan Jin ku jiro ayay ahayd oo dariif ahayn, qofkuna haddaanu dariif ahayn dee wuu is daldalayaa.”

Ardaydii ay wax wada baranayeen Layla Cabdi ayaa sheegay inay ahayd gabar ku wanaagsan waxbarashada, isla-markaana ay u qaadan weyday imtixaanka la sheegay inay ku dhacday.

Allaha u naxariistee Layla Cabdi ayaa shalay galab lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com