Gawaari ay shacab la socdeen oo miino kula qaraxday Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta laba gaari oo dad shacab ah la socdeen ay miino kula qaraxday waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Gaadiidkan oo ahaa nooca yar-yar ee ka dhex shaqeeya Magaalooyinka Guriceel iyo Muqdisho ayaa ka ambabaxay Guriceel, iyagoona rakaab u waday Caasimadda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidkan ay haleeleen miinooyin lagu aasay waddada dhinaceeda.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, halka toddobo kalena ay ku dhaawacantay.

Mid ka mida dadka dhintay oo nin darawal ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Gaas, waxaana uu ka mid ahaa dhallinta Magaalada Guriceel.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli gobolka uu ka socdo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com