Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Mareykanka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgelaya Meertada 77aad ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa halkaas ka bilaabaya kulamo uu la qaadanayo masuuliyiinta dalkaas iyo hay’adaha caalamiga ah, isagoo xoogga saaraya soo bandhigidda xaaladda adag ee ay la tacalaayaan kumanaanka qoys ee ay saameysay abaarta, khatarta kooxaha argagixisada iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso xasillinta dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo wafdigiisa ayaa golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha Dowladda Federaalka ee la xiriira la dagaalanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xoogan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa Dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaasi ka samata-bixiso dadkeeda iyo guud ahaan gobolka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com