Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IMF, Kristalina Georgieva

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka, Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah, ee laga gaaray xaqiijinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay Xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee Magaalada Washington qorshaha Dowladda Somaliya ee ku aaddan dayn-cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata-bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh Dowladda Federaalka, si loo hirgeliyo qorshaha dhameystirka hannaanka dayn-cafinta ee dalka.

Kristalina Georgieva ayaa muujisay, sida ay uga go’antahay in Dowladda Soomaaliyeed ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh, oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha, dayn-cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Hay’adda IMF taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka, isagoo ku adkeeyay in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed. 

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com