10 ka mida maleeshiyada Al Shabaab oo lagu qabqabtay Muqdisho

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay Magaalada Muqdisho ku xireen 10 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii xog sugan ay ka heleen shacabka degan magaalada.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay ciidamadu la wareegeen saddex xarumood, oo xubnaha Shabaabka ku dhuumaaleysanayeen, gaadiid iyo weliba hub.

“Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan, oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagarqabe oo ka tirsan argagixisada Al Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaaleysi ah u joogeen, gaadiid iyo hub Magaalada Muqdisho.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Ciidamada ayaa hawlgalkan ku burburiyay shabakad ka tirsan argagixisada, oo abaabulayay dilal iyo falal amniga lid ku ah.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com