Cali Dheere oo ku hanjabay inay gacantoodu gaari doonto beelaha la dagaalamaya Shabaab

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab ayaa wacad ku maray inay cagta marin doonaan beelaha Soomaaliyeed, ee bilaabay inay la dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab, ka dib muddo dheer oo dhibaatooyin xoog lihi ay ku hayeen.

Afhayeenka ayaa sheegay tan iyo intii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay qorshe uu isaga horkeenayo beelaha iyo maleeshiyada Al Shabaab.

“Haddaan idinkaga waramo xaaladda maanta uu dalka marayo, waxaa ka jiray wadanka muddooyinkan hadda ugu dambeeyay is bedelo, is bedeladaas oo ah in gaaladu mar kastaba ay cusbooneysiinayso kuwa u shaqeeya, oo markii kuwo lagu daalo oo ay wax qaban waayaan kuwo cusub inay keensadaan, waxaa ugu dambeysay marka qorshe ku sheegii ka dhacay Muqdisho, qaasatan Xerada Afisyooni, halkaas oo lagu doortay Xasan Sheekh.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo ka hadlayay munaasabad uu tababar ugu soo xiray ciidan cusub oo ku biiraya maleeshiyada Al Shabaab ayaa beelaha ugu yeeray inay ka waantoobaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab, haddii kalena ay gacantoodu gaari doonto.

Waxa uu ku hanjabay beel kasta ama jufo kasta oo ku adkeysata inay Shabaabka la dagaalanto ay ka difaaci doonaan sida uu yiri diinta.

“Waxaan dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed, horeyna ugu sheegnay, mar walbana ku celcelinaynaa reer walba ama jufo walba oo raali ku noqota inay cadowga soo raacdo, shareecada ku dhaqankeeda ka hortimaado, mujaahidiintana la dagaalanto oo dhiigooda baneystaan waxaa nagu ballan ah, haddaanu nahay mujaahidiinta kooxaha noocaas ah dhammaantood inaan ka difaaci doono diinteena, xukunka Islaamkana lagu dabaqi doono, illaa ay ka soo laabanayaan, oo ay ku soo laabanayaan shareecada Alle (SWT) iyo ku dhaqankeedii.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa yiri “Inta ayba cadowga la safan yihiin waxa ay bayaan u yihiin gacanta mujaahidiinta iyo seeftooda.”

Cali Dheere ayaa sheegaya inay ka warqabaan cid kasta, oo waxa uu ugu yeeray cadowga ku gacan siineysa abaabulka beelaha iyo inay Shabaabka la dagaalamaan.

“Waxaan u digaynaa cid walba oo gacan ku siineysa cadowga, waxaana ognahay dadka garabka u ah ee qabaa’ilka fitneyntiisa iyo mujaahidiinta ka horkeenkeyda ku taageera cadowga iyo dadka gadaal ka riixaya qorshaha noocaas ah.” Ayuu yiri Cali Dheere oo intaasi ku daray “Marka dhammaan dadkaa ayaga ah waan u digaynaa, haddii ay yihiin siyaasiyiin, horjoogayaal beeleed, ganacsato, ururo bulsho ama qurbajoog.”

Hadalka Cali Dheere ayaa imaanaya, xilli beelaha degga Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug qaybtood ay wadaan kacdoon ay kula dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com