Dowladda oo sheegtay in hawlgalo lagu dilay 54 ka mida mintidiinta Al Shabaab

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in 54 ka mida maleeshiyada Al Shabaab lagu kala dilay hawlgalo ka dhacay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Hoose.

War xalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgal weli ka socdo deegaanka Yasooman oo ka tirsan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan lagu dilay 45 ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

“Hawlgal culus oo ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoostagga Degmada Buulo Burde ayaa lagu dilay illaa iyo hadda in ka badan 45 dhagarqabeyaal ah oo ka tirsan Al Shabaab. Hawlgalkan oo weli socda ayay Dowladda Somaliya war ka soo saari doontaa, marka uu soo dhammaado.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sagaal nin oo Shabaab ah ku toogteen deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaas oo Shabaabku isku dayayeen inay iska soo abaabulaan.

“Hawlgalka deegaanka Warmaxan, inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee qaranka.” Ayaa lagu sheegay warka.

Tan iyo markii uu bilowday hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan laba boqol oo ka mida maleeshiyada Al Shabaab, waxaana laga saaray illaa 30 deegaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com