Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Danjire James Swan iyo Kuxigeenkiisa ahna Isku-duwaha Xafiiska Gargaarka Bani’aadanimada, Adam Abdelmoula.
Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa Duqa cusub ee Muqdisho ugu hambalyeeyay xilka mar labaad loo soo magacaabay, isagoona u rajeeyay in uu wax badan ka qabto horumarka, dib-u-dhiska, kobaca dhaqaalaha, amniga, bilicda iyo shaqo abuurka dhallinyarada, taasi oo uu sheegay in Xafiiska QM ee Somaliya uu garab ku siin doono, sidii Maamulka Gobolka Banaadir uu yoolalkaasi uga miro-dhalin lahaa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ee dalka ka jira iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ku soo barakacay Caasimadda Muqdisho, isla-markaana ay isaga kaashan lahaayeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Qaramada Midoobey, xal waarana loogu samayn lahaa qoysaska ku soo barakacay magaalada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com