General Odawaa oo ka hadlay hawlgalka weli ka socdo deegaanka Yasooman

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah faahin ka bixiyay hawlgalka tan iyo Axaddii shalay, ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ka wadaan deegaanka Yasooman, oo hoostagga Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay 75 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena gacanta lagu soo dhigay tiro maxaabiis ah.

Taliyaha oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa xusay in hawlgalku uu weli sii socdo, ciidamadana ay ku sii siqayaan dhulka hawdka ah ee deegaankaasi ku dhow dhow.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in hawlgalkan ugu dambeeyay ee ka socdo Gobolka Hiiraan jab xoogan lagu gaarsiiyay Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

General Odawaa ayaa ku goodiyay in hawlgalku uu ka sii socon doono gobolkaasi iyo guud ahaanba dalka, illaa iyo inta laga soo afjarayo maleeshiyadaasi.

Warbaahinta Dowladda ayaa lagu baahiyay sawirran muujinaya sagaal qori oo AK47, qori daba-jeex ah iyo madaxyada gantaalaha garbaha laga gano ee baasuukaha ama sabanka loo yaqaano, oo ay ciidamadu kula wareegeen hawlgalka ka socdo aagga Yasooman.

Sidoo kale bogga Idaacadda Codka Ciidamada ayaa lagu soo bandhigay tiro sawirran ah, oo muujinaya xubno badan oo Shabaabka looga dilay dagaalka.

War xalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu hawlgalka ka bilowday Gobolka Hiiraan lagu dilay laba boqol oo ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com