Madaxweyne Biden oo ku hanjabay inay difaaci doonaan Taiwan

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Washington ay difaaci doonto Taiwan, haddii Shiinuhu uu jasiiraddaasi ku qaado weerar aan horey loo arag.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Mareykanka uu ciidamadiisu u diri doono Taiwan, haddii Xukuumadda Beijing ay go’aansato inay weerarto Taiwan.

Madaxweynaha oo wareys siiyay Telefishinka CBS ayaa xusay in si ka duwan dagaalka ka socdo Ukraine ay Ciidamada Mareykanka toos ula dagaalami doonaan Militariga Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa wareysiga ku sheegay inaanay aqoonsanayn madaxbannaanida Taiwan, uuna Mareykanku ku dhaqmayo siyaasadda ah ‘Shiinaha oo mid ah’, tani oo Mareykanku uu ku xoojinayo aqoonsiga Beijing, ee ah in Taipei ay qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha.

Bishii July, Madaxweyne Biden oo khadka teleefanka kula hadlay dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping ayaa u sheegay in Washington ay si adag uga soo horjeeddo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah, waxna looga bedelayo maqaamka Taiwan, isagoo intaasi ku daray inaanay waxba iska bedelin siyaasadda Washington ee jasiiraddaasi.

Bishii August, Militariga Shiinaha ayaa sameeyay dhoolatus ay barbar socdaan gantaalo ay ku garaaceen biyaha iyo hawada Jasiiradda Taiwan, ka dib markii Beijing ay ka carootay booqasho ay Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ku tegtay jasiiraddaasi.

Dowladda Shiinaha ayaa Taiwan u aragta gobol ka mid ah dhulweynaha Shiinaha, balse si iskiis ah isku maamula, ayna tahay inuu dib ula midoobo dalka intiisa kale.

Mareykanka ayaa doonaya in Taiwan ay sii ahaato jasiirad si iskeed ah isu maamusho, illaa iyo inta labada dhinac ay ka heshiinayaan, waxa ay isu diidan yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com