Qoorqoor “Waxaan rabnaa reer Galmudug inay si siman ula dagaalamaan Shabaab”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay colaad ka dhex oogayaan bulshada, iyagoo markaasi ka faa’iideysanaya daldaloolada dhanka bulshada ah, si ay ugu gaaraan dhagartooda qotada dheer, sida uu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaabku hub isugu dhiibaan beelaha walaala ah, iyagoo markaasi fahamsan yahay halka ay bulshadu ka jiran tahay.

“Walaalayaal waxaa hadda ku soo kordhay, sidii ay qabaa’ilka dhibkaa isugu qabi jireen in argagixisadu ay hadda ka shaqeynayaan, sidii ay beelaha isugu diri lahaayeen, si ay u fushadaan danahooda guracan iyo dhagartooda qotada dheer, waxay ka shaqeeyaan inay beelaha isku diraan, way isu hubeeyaan, rasaas bay isugu dhiibaan, dad fitno wadayaal ah ayay soo dhex maraan, waxay leeyihiin meel hebla gob ka qod, meel hebla dhis, waayo waxay ogyihiin bulshadu meesha ay ka jiran tahay. Waxay ka jiran tahay qabyaaladda, dhul kala riixashada, waxa qiyaaliga iyo waxaas beenta ah ay dadka ku mashquulsan yihiin bay ogyihiin, meesha ay dadku la’yihiin bay ka abaarayaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, laguna heshiisiinayay laba maleeshiyo beelood oo dhawaan ku dagaalamay deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxay leeyihiin reer hebel iska dhiciya, rasaastan qaata, waa shaqo ay muddooyinkan dambe ku howlanaayeen. Waxay rabaan inay dadka iyagu ku jeedsan oo dadka dhexdooda isu jeedsadaan, oo dhexdooda isu dhibaatoodaan.”

Maadaxweyne Qoorqoor ayaa beelaha ugu baaqay “Hadda waxaan rabnaa inaad heshiisaan oo dhexdiina heshiisaan, cadowga argagixisada arxanlaaweyaasha ahna aad u heshiisaan, haddii Ilaahay yiraahdo.”

Qoorqoor ayaa reer Galmudug meel ay jooggaanba ugu baaqay inay si siman uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si dhagartooda iyo dhibaatadooda uga fogaadaan.

“Waxaan rabnaan beelaha oo dhan inay u guntadaan, sida haddaba la isku xilqaamay oo loogu istaagay, oo markii dhibaatadoodii ay soo gaartay meel qof weliba uu ka hooyan waayo, uuna ka harsan waayo, sida loogu qalab qaatay inaan maanta waxaan rabnaa reer Galmudug meesha ugu dambeysa dadka degan iyo kuwa cadowga meelaha ay jooggaan ee hadda kaabiga ku haya inay si siman dagaalkaas uga qayb qaataan, dhagartooda iyo dhibaatadoodana uga fogaano ayaan doonaynaa, haddii Allaha awoodda leh uu ogolaado.” Ayuu yiri Qoorqoor.

Deegaanada Galmudug qaybtood ayaa waxaa ka soconaya kacdoon ay dadka deegaana ka wadaan, kana dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com