RW Barre oo shir guddoomiyay kulan la xiriira kacdoonka Shabaab looga xoreynayo dalka

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulanka tiirka xoreynta iyo sugidda amniga, kaas oo loogaga arrinsanayay kacdoonka dalka ka socda ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyadaasi iyo xasillinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka, ee qalabka u qaatay la dagaalanka Shabaab iyo xoreynta dhulka ay maamulaan, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xukuumadda ee xoreynta dalka.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyay hay’adaha amniga iyo Ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com