Shabaab oo suurad xumeeyay xubno iyaga ka tirsanaa

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay suurad xumeeyeen saddex nin oo iyaga ka tirsanaa, si aanay dadku u aqoonsan wejiyadooda, ka dib markii lagu dilay hawlgalkii ka dhacay deegaanka Aboorey, oo hoostagga Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Shabaab ay meydadka raggan uga carareen deegaankaasi, iyagoo gowracan, ujeedkuna uu ahaa inaanan geeridooda la maqlin.

“Aboorey qiso cajiib ah ayaa ka dhacday oo runtii u baahan ummadda in loo sheego oo la ogeysiiyo, xubnihii Shabaab dagaalka looga dilay ee meeshaas uga taggeen waxay surka ka gooyeen saddex qof, midna iyagoo kirkirayo oo weli aan goyn bay u suuroobi weyday, labana surkii bay ka goosteen.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Waa arrin cajiib ah nin naxayo oo diin leh ama Islaam ah qofkii asaga safka kula jiray oo la socday inuu surka ka gooyo, waa arrin mucjiso ah oo taariikhda aan la arag.”

General Biixi ayaa wax mucjiso ah ku sheegay in nin uu gowraco ninkii ku safka ahaa, ee ay hal dhinac ka wada dagaalamayeen.

“Dabcan waa dad ayaga horjoogayaal u ahaa ama ajnabi ha ahaadeen ama cid kale ha ahaadeen ay doonayeen inay qariyaan wejiyadooda aan la arag, oo geeridooda aan la ogaan, laakiin si kastaba qof bani’aadam ah inaad surka ka goyso, weliba mid kula socday oo kula dagaalamayay, waa arrin mucjiso ah weeye.” Ayuu yiri General Biixi.

Waa markii ugu horreysay oo la soo wariyo in mintidiintu ay gowraceen xubno iyaga ka tirsanaa oo goob dagaal lagu dilo, ayna horey u qaataan madaxyadoodii.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com