Taliska Militariga oo digniin adag u jeediyay ganacsatada Degmada Baraawe

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigiisu yahay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ganacsatada uga digay dhaqanka cusub ee ay dhawaan bilaabeen, ka dib markii ay diideen inay dadku wax kaga iibiyaan lacagta Shilling Somaliga, mideeda duugga ah.

Ganacsatada ayaa dadka ku dhibaya inaanay waxba kaga iibinayn lacagta duugga, tani oo cabasho xoog leh ay ka muujiyeen dadka deegaanka.

Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xoogaay), Taliyaha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inaanan dadka lagu dhibi karin in wax looga iibiyo lacagta dalka.

Taliyaha oo maanta Warbaahinta kula hadlayay Degmada Baraawe ayaa sheegay inaanu maamulku ogolayn in la diido Shilling Somaliga, ciddii diidana ay tahay qolo fowdo abuur sameynaysa.

“Mala diidi karo, annagu lacagta shilling Somaligaa leenahay, Soomaaliyaa nahay, shilling Somaligaa leenahay, mid cusubna waa la keeni doonnaa, waana la soo cusbooneysiin doonnaa, haddii dollar aanaan annagu lahayn, oo soo saaran karin, oo maanta haddii waxa teleefanka kugu jira uu kaa xirmo, soo ka qadi maysid? Maxaa loo diidaa middaan jawaanka iyo bacda aad ku shubaneyso? Ayadana lama diidi karo.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Ma ogola Maamulka Baraawe in la diido, annagaana ka masuul ah, dowladdaana ka masuul ah, ayadana baaqaasaa ka soo jeedinaynaa. Ciddii diidda waa cid aan ganacsi rabin ee dad kale soo dirsadeen ee fowdo ah weeye.”

Hadalka Korneyl Xoogaay ayaa imaanaya, xilli dadka deegaanka ay cabasho ka dhan ah ganacsatada u gudbiyeen Maamulka Degmada Baraawe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com