DF oo sheegtay in Shabaabka Gobolka Hiiraan ay haystaan hal fursad oo keliya

Dowladda Federaalka ayaa ka warbixisay hawlgalka weli ka soconaya Gobolka Hiiraan, iyadoona dowladdu sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay shan ka mida maleeshiyada Al Shabaab ku dileen Buuraha Camal, oo 20km u jira deegaanka Halgan.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga oo ku raad-joogay firxadka maleeshiyaadka naf la caariga ah ee Al Shabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobolka, oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani, si loo ciribtiro dhagarqabeyaasha baxsadka ah ee lagu jebiyay dagaalka. Ciidanka ayaa weli wada hawlgalo is daba-joog ah, si loo xaqiijiyo argagixisada arxanlaaweyaasha ah in aanay helin goobo ay gabaad ka dhigtaan.”

Warka ayaa lagu sheegay in Shabaabku haystaan hal waddo oo keliya, waana midda ay isu soo dhiibi karaan dhallinyarada Shabaabka ee la marin habaabiyay, isla-markaana ay dowladdu ka go’an tahay in la soo afjaro maleeshiyada Al Shabaab.

“Ma jirto waddo aan ahayn inay isa soo dhiibaan oo u furan dhallinyarada ay argagixisadu khaldeen. Dowladda Somaliya oo kaashanaysa dadkeeda waxaa ka go’an in ay soo afjarto cadowga arxanka daran ee Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri warka.

Shabaabka Gobolka Hiiraan ayaa wajahaya culeyskii ugu weynaa, ka dib muddo dhowr iyo toban sano ah, oo ay ka hawlgaleyeen gobolkaasi. 

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com