Madaxweynaha Ruushka oo u hanjabay Reer Galbeedka

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku hanjabay in Moscow ay sii wadi doonto hawlgalada ay ka waddo dalka Ukraine, isla-markaana ay qaranimada Ruushka tahay mid lama taabtaan ah, oo ay tahay in la ilaaliyo.

Madaxweynaha ayaa Reer Galbeedka ku eedeeyay inay doonayaan in ay burburiyaan, isla-markaana ay kala qaybiyaan dalka Ruushka, taas oo uu sheegay inay ka gaashaaman doonaan.

Waxa uu sheegay in Reer Galbeedku doonayaan inay dabar-gooyaan dalkiisa, sidii ay u burburiyeen buu yiri Midowgii Soofiyeet.

Waxa uu intaasi ku daray in Reer Galbeedku ku dhaqaaqeen fal ka dhan ah Moscow, ka dib markii gantaalada ridada dheer ay siiyeen Ukraine, iyagoo rajeynayay inay kala gooyaan sida uu yiri Ruushka.

“Waa arrin gardarro ah oo ka dhan ah siyaasadda Ruushka, Reer Galbeedka waxay ka soo tallaabeen khadka cas. Waxaan maqlaynaa hanjabaado joogto ah oo loo jeedinayo dalkeena iyo dadkeena, siyaasiyiin Reer Galbeed ah oo masuuliyadoodii gabay ayaa ka hadlaya hubka ridada dheer ee la geeyay Ukraine, waa hubka u ogolanaya Kyiv inay duqaymo ka gaysato dhulka Crimea iyo gobolada kale ee Ruushka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Washington, London iyo Brussels waxay Kyiv si toos ah ugu khasbayaan inay hawlgal militari ka fuliso dhulkeena. Ma qarinayaan xaqiiqada ah, sidii Ruushka looga guuleysan lahaa dagaalka, iyagoo adeegsanaya wadiiqo kasta, ha ahaato mid siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan iyo mid ka dhan ahba madaxbannaanidayada. Gebi ahaanba waxay doonayaan inay fowdo ka abuuraan dalkeena.”

Madaxweynaha Ruushka ayaa amar ku bixiyay in abaabul ciidan laga bilaabo gudaha Ruushka, isagoona sheegay in loo yeeri doono qayb ka mida ciidamada kaydka ee dalkaasi.

Vladimir Putin, Hoggaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay u baahan tahay askar badan, oo furinta hore ee dagaalka buuxiya.

Madaxweyne Putin oo khudbad toos ah u jeediyay shacabkiisa ayaa sheegay inay isticmaali doonaan dhammaanba hababka la heli karo, laguna difaaci karo dalkiisa. Waxa uuna qeexay in tani ay qayb ka noqon karto adeegsiga hubka wax gumaada ee nuclear-ka.

Waxa kaloo uu sheegay in tallaabadani ay muhiim u tahay xaqiijinta madaxbannaanida dhuleed ee Ruushka iyo in la ilaaliyo amniga dadka Ruushka ee ku sugan dhulka Ukraine ee dagaalka looga qabsaday.

“Ha isku dayina inaad dib u qaadataan dhul aan qabsanay, oo aan sheeganayno inaanu leenahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Putin.

Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu ayaa tirada ciidamada kaydka ee loo yeeray ku sheegay saddex boqol oo kun (300,000) oo askari.

Khudbadda Madaxweyne Putin ayaa ku soo aadaysa, xilli gobolada dalka Ukraine ee Ruushka haysto looga dhawaaqay afti ay dadka ugu codeynayaan ku biirista Ruushka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com