Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqorka Jordan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York, Boqorka dalka Jordan, Boqor Abdullah bin Al-Hussein.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa boqorka uga warbixiyay xaaladda ee dalka iyo is bedelada dhanka ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay dowladiisu ku howlan tahay, isagoo sheegay in ay ka go’antahay xasillinta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Labada Hoggaamiye ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, iyagoo u ballamay in ay labada dowladood ay u xilsaaraan diblomaasiyiin ka sii shaqeeya qorsheyaasha xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com