Taliska Militariga oo boorka ka jafaya Kumaandooska Danab (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeer ugu tegay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, ee degan Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si toos ah ula hadlay Ururada 4aad iyo 64aad ee Kumaandooska Danab, iyagoona u sheegay inay u diyaargaroobaan hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Waxay sheegeen inay muhiim u yihiin ka qayb qaadashada xoreynta dalka, haddii haatan ay meel wanaagsan marayaan hawlgalada ay tahay in lagu wiiqo maleeshiyadaasi.

General Odawaa ayaa gulufka dalka ka socda waxa uu ku macneeyay mid Shabaabka loogu tagayo, goob kasta oo ay dalka kaga sugan yihiin, isla-markaana aanu hawlgalku joogsan doonin.

Danab waa ciidan lugta ah oo tababar gaar ahi qaba, waxayna fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waana ciidanka la hawlgala Ciidamada Mareykanka ee Dowladda Federaalka ka caawiya weerarada dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsado madaxda iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com