Hoggaamiye-yaasha Reer Galbeedka ayaa u muuqdo kuwo ka careysan hanjabaadda uu Arbacadii u jeediyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isla-markaana uu ku sheegayay inaanay galbeedku isku dayin in ay dib u qaataan dhul aan qabsanay buu yiri oo aan sheeganayno inaanu leenahay, ayna suurtagal tahay in Moscow adeegsato hubka wax gumaada ee nuclear-ka.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo khudbad ka jeedinayay golaha loo dhanyahay ee Qaramada Madoobey ayaa cambaareeyay hanjabaadda Madaxweyne Putin.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duulaanka Moscow ee Ukraine iyo inuu Aqalka Kremlin-ka xoog ku qaato dhul uu leeyahay dal ay deris yihiin.
“Aan si cad u hadalno, xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku duulaya dal deriskooda ah, iskuna dayaya inay dal madaxbannaan ka tirtiraan khariiradda caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa yiri “Ruushku wuxuu si bilaa xishood ah ugu xadgudbay mabaadii’da aasaasiga ah ee axdiga Qaramada Midoobey, kaas oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka ay jaarka yihiin.”
Sidoo kale Madaxweyne Biden ayaa sheegay inaanan la qaadan karin hanjabaadda Hoggaamiyaha Ruushka, ee ku aaddan suurtagalnimada in dalkiisa uu adeegsan karo hubka nuclear-ka, taasi oo uu ku tilmaamay mid masuuliyad darro ah, liddina ku ah heshiisyadii lagu xadidayay faafista hubkaasi khatarta badan.
Dhanka kale kulan degdeg ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa laga soo saaray in la diyaariyo cunaqabateyno hor leh oo ka dhan ah Ruushka.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in goluhu ay gorfeeyeen amarka Hoggaamiyaha Ruushka ee lagu hawlgelinayo qaybo ka mida ciidamada kaydka ee dalkaasi, cunaqabateyntuna ay jawaab u noqon doonto tallaabada Moscow ay ku hurineyso dagaalka Ukraine.
Hanjabaadda Madaxweyne Putin ayaa u muuqato mid kaga sii dartay colaadda dalka Ukraine iyo xurgufta Moscow kala dhaxeysa Reer Galbeedka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com