Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Puntland (PISA).
Madaxweynaha ayaa wareegto ku soo magacaabay S/guuto Jamaal Carab Yuusuf in uu noqdo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Puntland.
Wareegtada ayaa u qorneyd:-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Puntland (PISA).
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlada Puntland (PISA).
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Puntland (PISA).
2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com