Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ku soo hadalqaaday dagaalka ay dowladdiisu kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed ay maleeshiyada Al Shabaab ka saareen dhul ballaaran, oo horey ay uga arriminayeen.
“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad bani’aadannimo oo adag, haddana kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin Islaamiyiin waxa ay qarxiyeen ceel biyodyadii reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan, oo markii horeba la daallaa dhacayay, sidii ay u noollaan lahaayeen.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan, si ay u taageeraan baaqa dowladdooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada. Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo hawlgaladaas ay is garabsanayeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseeday guulo waaweyn.”
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan si dhab ah ula dagaalamaynaa oo midba gooni ula dagaalamaynaa kooxaha argagixisada ee lagu magacaabo Al Shabaab oo taabacsan Al Qaacidda iyo Daacish, labaduba waa dembiileyaal tilmaam khaldan ka bixinaya Diinta Islaamka ee quruxda & nabadda badan iyo qiyimkeeda, si ay qalqal u geliyaan xasilloonida gobolka, sidaa awgeedna argagax-gelinaya dadka Soomaaliyeed iyo dadka ku nool dalalka deriska la ah & kuwa caalamka oo dhan.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Toddobaadyadii la soo dhaafay falalka guracan ee Al Shabaab ay kula kaceyso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed ayaa keenay baahida degdegga ah ee loo qabo jawaabcelin guud, oo ah heer qaran iyo mid heer caalami ahba, si gebi ahaanba looga guuleysto kooxdani, loona hormariyo amniga gobolka iyo kan caalamkuba.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray “Hawlgalada militari ee aan wadno oo taageero ka helaya bulshooyinka deegaanka ayaa keenaya in haatan aan ku kalsoonaano in dowladdayadu ay Somaliya ka ciribtiri doonto argagixisada, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed waxay ugu dambayntii garwaaqsadeen in falalka caburinta ah ee Al Shabaab aysan dhammaan doonin, illaa dhammaanteen aan qaadno tallaabo, si arrintaa looga miro-dhaliyo. Shacabka Soomaaliyeed waxay hadda aaminsan yihiin in Al Shabaab laga adkaan karo, taasina waa isha dhabta ah, ee aan ka heli karno awoodda iyo dhiirigelinta, ka dowlad ahaan dagaalka aanu kula jirno argagixisada caalamiga ah.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale si faah faahsan uga warbixiyay qorshaha dowladda ee tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, saameynta is bedelka cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, deris-wanaagga iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com