Villa Somalia oo hubeysay Xertii Ahlu Sunna ee Wisil iyo Baxdo

Dowladda Federaalka ayaa hubeysay Xertii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee muddooyinkii ugu dambeysay kutubo raaca ku ahayd Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Xertan ayaa u badan Xoogagii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee kala ambaday, wixii ka dambeeyay markii Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ay Maamulkii Ahlu Sunna kala wareegeen Magaalooyinka Caabudwaaq, Xeraale, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Xerta Ahlu Sunna ayaa soo jiidatay indhaha Villa Somalia, ka dib markii door weyn ay ka qaateen jabkii maleeshiyada Al Shabaab kala kulmeen weeraradii kala dambeeyay, ee ay ka gaysteen Wisil iyo Baxdo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa la fahamsan yahay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay in Dowladda Federaalka hubeyso Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe qaybtood, si ay dowladda uga caawiyaan la dagaalanka Al Shabaab.

Xerta Wisil ayaa hadda diyaar u ah inay ka qayb qaataan guluf la qorsheynayo in laga bilaabo deegaanada dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, oo ujeedkiisu daaran yahay in Shabaabka lagaga xoreeyo Bacaaadweyne, Shabellow, Cammaara illaa Degmada Xarardheere.

Sidoo kale Xerta Baxdo oo la hawlgaleysa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa iyana wada abaabul ay tahay in Shabaabka looga sifeeyo deegaanada ku dhow dhow baxdo, waana ciidanka ay tahay inay ka qayb qaataan gulufka la diyaarinayo in lagu wajaho Shabaabka ka arrimiya Degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer iyo Galhareeri.

Qorshaha lagu hubeeyay Xerta Ahlu Sunna ee Wisil iyo Baxdo ayaa waxaa la leeyahay waxay bilow u noqon doontaa yoolka Villa Somalia, ee ah in dagaalka laga soo qaybgeliyo Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo muddooyinkii ugu dambeysay ay hoggaankeedu saldhig ka sameysteen deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayay dad badani u arkaan mid si wanaagsan u garaneysa dagaalka Shabaabka, waana Ahlu Sunnada lagu tilmaamo inaanay Shabaabku jecleyn in ay dagaal kala hortaggaan.

Dowladda Federaalka ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuli doonta, sidii ay kaga takhalusi ururka lagu sheego inuu yahay kan ugu khatarta badan ee Afrika ka jira, iyadoona la kaashaneysa dhammaanba dhinacyada ku habboon.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com