Wasiir Fiqi oo Galmudug kala hadlay gulufka ka dhanka ah Shabaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), kaasoo ay qodobo dhowr ahi ka wada hadleen.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin gulufka cusub ee ka bilowday deegaanada Galmudug, ee ay tahay in Shabaabka lagaga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiir Fiqi ayaa lagu yiri “Labada masuul ayaa ka wada hadlay qodobo badan, oo ay ka mid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka labada wasaaradood, qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ee ku aaddan federaaleynta iyo baahinta maamulada iyo dib-u-heshiisiinta.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah gulufka cusub ee la dagaalanka argagixisada Al Shabaab ee xoreynta deegaanada Galmudug iyo sida ay tahay in ay Dowladda Dhexe & hay’adaha deeqaha bixiyaba uga jawaabaan abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee haysta dadka iyo deegaanada Galmudug.”

Kulankan ayaa imaanaya, xilli 13-kii bishan Baarlamaanka Galmudug uu wax ka bedel ku sameeyay dastuurka maamulkaasi, muddo sanad ahna uu ugu kordhiyay muddo xileedka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, oo markii hore afar sano ahayd.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com