Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada New York ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin dadaalada Dowladda Federaalka ee wax ka qabashada abaaraha, gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, wax ka qabashada arrimaha bani’aadanimada iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya Somaliya iyo Qaramada Midoobey.

“Waxaan ka wada hadalnay dadaalada Dowladda Somaliya ee wax ka qabashada abaaraha, dagaalka socda ee ka dhanka ah Al Shabaab, wax ka qabashada arrimaha bani’aadanimada iyo kor u qaadista iskaashiga ka dhaxeeya Somaliya iyo Qaramada Midoobey.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

War ka soo baxay Xafiiska António Guterres ayaa lagu yiri “Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madaxweynaha Somaliya ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh Somaliya, doorashada ka dib, kuwaas oo ay ka mid yihiin iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, xoojinta Hay’adaha Dowladda Somaliya, wax ka qabashada xaaladda bani’aadanimada, baahida loo qabo in wax laga qabto saameynta is bedelka cimilada iyo xaaladda amniga.”

Qoraal kale oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Somaliya, isagoo ku adkeeyay in ay sii wadaan garab istaaggooda ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com