Korneyl Barre Cayrow oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u geeriyooday qarax maanta gaarigiisa lagula eegtay, inta u dhaxeyso deegaanada Halgan iyo Booco ee Gobolka Hiiraan.
Korneyl Barre Cayrow oo ahaa Taliyihii Saadka ee Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qaraxan lala eegtay, wax yar uun ka dib, markii uu ka ambabaxay deegaanka Halgan.
Wararka ayaa sheegaya in xilligii qaraxa lala eeganayay uu ku sii jeeday dhinaca Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale mooto bajaaj ay dad rayid ah la socdeen ayay maanta miino kula kacday, inta u dhaxeyso Beledweyne iyo Booco, waxaana la sheegay in laba qof oo rayid ahi ku dhinteen.
Inkastoo Shabaabka laga saaray inta badan deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa waxay isku dayayaan in ay falal amni-darro ah ka gaystaan gobolka, si ay ugu muujiyaan in weli ay jooggaan gobolkaasi.
Korneyl Cayrow ayaa noqonaya Sarkaalkii ugu darajada sarreyay ee laga dilo Ciidanka Xoogga Dalka, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay guluf ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com