Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta si buuxdo ula wareegay deegaanada Dhabana-hays, Labi-dulle iyo Ceel-la helay, oo dhaca bariga Gobolka Galgaduud.
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa ku wajahan deegaanka Ceelgaras, oo muhim u ah waddada Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.
Hawlgalkan oo ujeedkiisu yahay in lagu xoreeyo Degmada Ceelbuur ayaa waxaa horkacaya masuuliyiin iyo Xildhibaano ka kala tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo kan Galmudug, iyagoona dhiirigelin u ah ciidamada dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab.
Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Khamiistii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka mid ah xubnaha hoggaaminaya ciidamada cagta saaray waddada Ceelbuur.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya inaanu hawlgalku joogsan doonin, illaa iyo inta laga xoreynayo Degmooyinka Ceelbuur, Ceeldheer iyo Galhareeri.
Hawlgalka ka socda Gobolka Galgaduud ayaa noqonaya gulufka ugu weyn, ee ay haatan Shabaabku wajahayaan, marka laga soo taggo kan ka socda gobolka ay ood wadaagga yihiin ee Hiiraan, oo intiisa badan lagaga sifeeyay Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com