Faah faahin: Nin isku qarxiyay Xerada General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho

Mid ka mida maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta isku qarxiyay xero militari, oo ku taala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ninkan oo xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, isla-markaana ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda ayaa beegsaday saf ay ku jireen dad doonayay inay isku qoraan Ciidanka Xoogga Dalka, oo diiwaangelintoodu ka socotay Xerada General Dhega-badan, oo ku dhow Warshaddii hore ee Nacnaca.

Inta la xaqiijiyay illaa toban qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka toban kalena ay ku dhaawacantay, iyadoo khasaaruhu ka badan karo inta hadda laga warqabo.

Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka ayaa sheegtay masuuliyadda ismiidaamintan ka dhacday Caasimadda Muqdisho.

Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Militariga ayaan weli ka hadlin weerarka ay masuuliyaddiisu sheegatay Al Shabaab.

15-kii bishii June ee sanadkii hore ayaa sidaan oo kale xeradan loogu beegsaday dhallinyaro loo qorayay Ciidanka Xoogga Dalka.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli maleeshiyada Al Shabaab ay wajahayaan culeys weyn oo ka soo fuulay dhanka Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka sida iskood ah isu abaabulay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com