Hay’adda NISA oo gacanta ku soo dhigtay dad la macaamilay Al Shabaab

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ayaa qabqabtay dad lagu eedeeyay inay la macaamileen maleeshiyada Al Shabaab.

Qoraal lagu daabacay bogga Hay’adda NISA ee Twitter-ka ayaa lagu yiri “Waxaa la qabqabtay ku dhawaad 10 qof, oo si yaabo kala duwan ula macaamilayay argagixisada.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in hadda ka dib tallaabo laga qaadi doono cid kasta, oo u tagta amaba la macaamisha Al Shabaab.

“Hadda ka dib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid weliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka laguma sheegin goobta iyo goorta la xirxiray dadkaasi, haddii Maxkamadda Ciidamada la horkeeni doono iyo haddii kaleba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com