Madaxweynaha Mareykanka oo martiqaad u sameeyay dhiggiisa Somaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Mareykanka, Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyay Dowladda Mareykanka doorka ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, oo caqabad ku ah nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatana ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al Shabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com