Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta khadka teleefanka masuuliyiinta hoggaaminaya kacdoonka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka socda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, doorkooda hoggaamineed ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa xubnaha teleefanka uu kula hadlay waxa ay kala yihiin Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala), Xildhibaan Maalik Ibraahim Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Gudoomiyaha Degmada Baxdo, Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud) oo ka mid ah abaanduulayaasha ciidanka deegaanka.
Ra’iisal Wasaare Barre oo ka duulaya mabaadii’da ku qotoma tiirka dib-u-xoreynta iyo sugidda amniga ayaa wuxuu tallaabadan u qaaday, si uu u dhiirigeliyo naftood hurreyaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com