Ra’iisal Wasaare Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay James Swan

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Danjire James Swan.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa kulankooda iskula soo qaaday xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka & bani’aadanimada ee maanta dalka ka jira iyo qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen.

James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay inay Dowladda Somaliya gacan ka siiso barnaamijyada hortebinta u leh qorshaha Xukuumadda Danqaran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com