Wararkii ugu dambeeyay gulufka ka socda Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya maleeshiyada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa maanta bilaa dagaal kula wareegay deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen deegaankaasi, ka dib markii ay ka war heleen in guluf uu ku soo wajahan yahay.

Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa sheegay in hawlgalka lagu xoreeyay Moqokori uu ahaa mid aan loo kala harin.

“Dagaalka maanta ka socda Gobolka Hiiraan looma kala harin, Xildhibaanada haddii ay yihiin, masuuliyiintii hore ee gobolka, dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Maanta waan ka fiicanahay sidii hore, maxaa yeelay waxaan haysanaa shacab sheegaya meesha ay Shabaab ku jiraan, fartana noogu fiiqaya, hubkoodii soo qaatay, isla-markaana nala socdo, annagana dabcan dhiirigelin ayay noo tahay.”

Korneyl Baakaay ayaa intaasi ku daray “Awalba argagixisadu itaal badan maysan lahayn, shacabka ayay ku dhex dhuumaaleysanayeen, shacabkiina way dhibaateeyeen, haddii ay dhibaateeyeen hubkiisii ayuu qaatay, waana ka horyimid.”

Shabaab oo shantii sano ee la soo dhaafay weerar ku hayay xeryaha & fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ayaa haatan wajahaya guluf culus.

Hawlgalka Gobolka Hiiraan ayaa noqday kan khasaaraha lixaadkiisu uu ka soo gaarayo maleeshiyada Al Shabaab, iyagoona lumiyay dhul ay muddo dheer ka arriminayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku hanjabay in dowladdiisu ay ciribtiri doonto Shabaabka ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo jooggitaanka dalka ee Ciidanka ATMIS.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com