Aadan Madoobe oo daahfuray Shirka Xuquuqul Insaanka (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Magaalada Muqdisho daahfuray Barnaamijka Mideysan ee Xuquuqul Insaanka Somaliya, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa haweenka Soomaaliyeed ku boggaadiyay doorka lama ilaabaanka ah, ee ay kaga jiraan Ilaalinta xuquuqda aadanaha, isagoona xusay in Golaha Shacabku ilaalin doono xuquuqda aadanaha.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in Guddigga Xuquuqul Insaanka ay dadaal dheeri ah ku bixin doonaan dardargelinta iyo ilaalinta dadka ku nool dhulka jamhuuriyadda.

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii haweenka Soomaaliyeed ay doorkooda uga qayb qaadan lahaayeen ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com