Dowladda oo Muqdisho ka soo dejisay dhallinyaro lagu haystay Libya (SAWIRRO)

Dowladda Federaalka ayaa dalka dib ugu soo celisay sagaal dhallinyaro ah, oo ku xayirnaa dalka Libya, muddo sanado ah, gacantana ugu jiray kooxaha wax tahriibiya.

Dhallinyaradan oo xiriir la sameeyay Safaaradda Somaliya ee dalkaasi ayaa waxaa dib u soo celintooda ka shaqeeyay Xafiiska Ergeyga Gaarka ee Muhaajiriinta & Xuquuqda Carruurta.

Dhallinyaradan oo laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweysay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergeyga Gaarka ee Muhaajiriinta & Xuquuqda Carruurta U Qaabilsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Dowladda Somaliya ayaa dadaal ugu jirta, sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalalka shisheeye ay dib ugu soo celin laheyd dalkooda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com